Sawirro: Tarsan oo yiri madaxweynaha inuu awood dheeri ah siiyay Mungaab

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacday xaflad ballaaran oo xilka lagu wareejinayay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-Gaab).

Xafladda oo ka dhacday xarunta gobalka Banaadir ee degmada Xamarweyne, waxaa ka qaybgalay guddoomiyihii horre ee gobalka Banaair, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), wasiiro, xildhibaanno, siyaasiyiin, iyo mas’uuliyiin kale.

1

Xafladda waxaa dadkii ka hadlaa ka mid ahaa guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Tarsan, wuxuu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabeysa, isagoona soo bandhigay wax yaabaha u qabsoomay muddadii uu xilka hayay.

Tarsan ugu horreyn wuxuu u mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya oo sannad iyo bar uu la shaqeeyay sidda uu yiri.

Tarsan ayaa siddoo kale sheegay in uu soo dhaweenaayo awooda dheeriga ah ee la sii yay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir taasoo ah,  in ciidamada booliska iyo nabad sugida ay si toos u hoostagaan gobalka Banaadir.

“Waxaan soo dhaweenayaa awooda la siiyay Muu-Gaab, oo aan heesan anniga markii aan xilka hayay, waana tallaabo aan soo dhaweenaayo” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo u mahad celiyay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir, Gen Muun-Gaab.

Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir ayaa ka sheekeeyay wax yaabihii uu u hirgalay muddada uu xilka hayay ool ahayd muddo shan sanno.

Wuxuu sheegay markii xilka loo dhiibayay ay dowladda gacanta ku haysay shan degmo, isla markaana uu dhib ahaa in magaalada siddii la rabo loogu socdo, sidda uu yiri. wuxuu kaloo sheegay in xarunta gobalka Banaadir ay ugu yimaadeen iyadoo lagu lee yahay 10 Milyan oo shilling Soomaali ah.

3

78

10

8

4

5Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com