MUUNGAAB oo hey’addaha ammaanka DFS si aan gabasho lahayn ula hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay haddii maamulkiisa aaney la shaqeyn hey’addaha ammaanka dowladda in ay adkaan doonto magaalada Muqdisho in ammaankeeda wax laga qabto.

Wuxuu sheegay in hey’addaha nabad-sugida iyo booliska looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan maamulkiisa haddii la rabo in ammaanka caasimada wax laga qabto sidda uu hadalka yiri.

Xafladda ay xilal ku kala wareegayaan Tarsan iyo Muunaag
Xafladda ay xilal ku kala wareegayaan Tarsan iyo Muunaag

Muungaab ayaa sheegay haddii aan maamulkiisa la hoos keenin hey’addaha ammaanka sidda booliska iyo nabad sugida aaney nabad noqon doonin magaalada Muqdisho.

“Ammaan waxaa sugi kara mas’uulka heesta ciidamo boolis ah iyo nabad-sugid, haddii aan la I hoos keenin ha dhow haddii aan ka dagaayo xilka la ima dhihi karo Aree Mungaab saan muu ahaa, oo Suuratul Maa’ido ayuu ku fiicnaa, haddii la I dhahaayo ammaan sug waa in aan heestaa awood” ayuu yiri guddoomiye Muun-Gaab.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha uu mudnaanta siin doono maamulkiisa, wuxuu xusay in ay wax ka qaban doonaan ammaan darida ka jirta caasimada, in ay soo celiyaan adeegyada bulshadda iyo siddii loo loo hormarin lahaa bilicda caasimada iyadoo lala kaa shanaayo shacabka iyo dowladda.

Wuxuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono ammaanka magaalada Muqdisho, maadama ay tahay meesha ugu muhiisan dalka.

Muun-Gaab ayaa caddeeyay in uu xafiiska la wareegayo iyadoo meel eber ah aan waxbo laga billaabeynin balse wax yaabaha la qabtay iyo kuwa harsan waxaa dhimman ayuu yiri kuwa weli harsan.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan xilkaas u magacaabay Muun-Gaab, ayaa hey’addaha ammaanka ku amray in ay hoos-tagi doonaan maamulka gobalka Banaadir.

Waxa la sugaaba waa in uu Muun-Gaab wax ka qabto xaalada ammaan ee sii xumaaneysa ee ka jirta caasimada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com