ETHIOPIA oo hadal uusan ku farxin ku war-gelisay Axmed Madoobe maanta

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa e xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.

Kulanka labada nin, ayaa la sheegay in runta la isugu sheegay, gaar ahaan dowladda Ethiopia ayaa Axmed Madoobe u sheegtay in uu wareejiyo garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo maadama heshiiskii dowladda iyo maamulkiisa ay ku galeen Adddis Ababa oo ay garwadeenka ka ahayd dowladda Ethiopia uu siddaas dhigayay.

Si kastaba, ma cadda jawaabta uu bixiyay Axmed Madoobe ee ku aadan go’aanka ka soo baxay dowladda Ethiopia.

201434635295171369589292Tedros iyo Madobe

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah ee Jubba Ibraahim Baajuuni ayaa labo cisho ka hor sheegay in maamulkooda aaney wareejin doonin gegida diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo, wuxuuna ku sababeeyay dowladda Soomaaliya in ay dhinaceeda ka soo bixi weysay heshiiska ay lix bilood kala saxiixdeen labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Caasimada online, ayaa sheegay in uu Axmed Madoobe lagu doono madaxda IGAD, Midowga Afrika iyo diplomaasiyiin reer galbeed ah oo galaangal u leh arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Caasimada@live.com