Dhageyso: Tarsan “Cabdi Karin Xusen Guuleed qaranka ayuu wax ka dhacay”

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa caddeeyay in Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ah wasiirka amniga xukuumada uu qaatay lix gaari oo Ambalas ah kuwaasoo aan karin xabada.

Tarsan ayaa sheegay in Cabdikariin Xuseen baabuurtaas uu qaatay xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha xukuumadii Saacid.

“Nasiib darada jirta waxa waaye in lix baabuur oo Ambalaas ah oo ah ku aaney xabadda karin oo ay nagu sadaqaysay hey’ad Kheyri ah in ay wasaaradii ammaanka  xukuumadii Saacid ay nagala wareegtay,markii aan wareejinaayay waxaan dhahay baabuurtan waxa ay ku dambeyn doonaan in meel la iska dhigo oo lugaha ay ka ban jaraan, ilaa hadda meel ay ku dambeeyeen ma naqaano” ayuu yiri Tarsan.

Wuu sii hadlay “Waxaan ku iri wasiirka waxaa gaagiidkan la arki doonaa iyagoo meel ku dugoobay oo cagaha ka banjareen ama intii Oksijiinka iyo qalabkii saarnaa in laga furto oo magaalada lagu dhex wato.”

Tarsan ayaa hadalkan ka sheegay xaflad maanta uu xilka ku wareejinayay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) taasoo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhageyso Tarsan

Tarsan-oo-eed-jeediyay

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com