Maxamuud Sayid Aadan: DF Somaliya waa ay taageersan tahay doorashada

Baydhabo (Caasimada Online) Maxamuud Sayid Aadan oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamul ka kooban lix gobal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageersan tahay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wuxuu sheegay doorashada ka dhacday Baydhabo in ay waa faaqsan tahay dastuurka u yaalla dalka, maadama uu dhigaayo in maamul gobaleed ay sameesan karaan labo gobal ama wax ka badan oo isku tagay.

Wuxuu sheegay oo kale in dhammaan beelaha ka soo jeeda gobalada maamulka loo sameeyay ay u dhan yihiin maamulka cusub, rabitaankoodana lagu saleyay sidda uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Sayid Aadan oo mar soo noqday xubin baarlamaanka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay taageersan tahay shirarka ka socday Beydhabo ee maamulka loogu dhisay lixda gobal, maadama markii la furaayay shirkar uu joogay guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari sidda uu yiri.

“Shirka markii la furaayay waxaa nagala soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socota dowladda oo uu ka mid yahay afhayeenka baarlamaanka, ilaa doorashada ay ka dhaceysana waxaa nala joogay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo xildhibaanno ay ku jiraan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Ugu dambeyn wuxuu ku celceliyay in maamulka cusub la hoos keeno maamulka KMG ah ee Jubba ee ka dhisan Kismaayo, maadama waxa maamulka loo sameeyay ay ku jiraan ayuu yiri Jubbooyinka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si cad ah u sheegtay in ay aaney taageeri doonin doorashadii ka dhacday Isniintii magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho 

Caasimada@live.com