XOG: Khilaaf ka dhex jirra SAFAARADA SOMALIA ee Nairobi + Gacan ka hadal

Nairobi (Caasimada Online) Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa caawa wareysatay haweeney sheegtay in ay madaxa baratakoolka ka tahay safaarada Soomaalida ee Nairobi.

Seynab Cali Cismaan, waa Hooyo heesata afar carruur oo agoon ah uuna ka dhintay safiirkii horre ee Soomaaliya Jabuuti.

Waxa ay sheegtay in uu dhib xoog leh ku hayo qunsulka safaarada Soomaalida ee Kenya, Siyaad Maxamed Shirre, kaasoo isagoo isticmaalaya awood xad dhaaf u diidday inay ka shaqeyso safaarada..

Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Kenya Siyaad Maxamed Shirre
Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Kenya Siyaad Maxamed Shirre oo la eedeeyay

“Anniga waxaan ka mid ahay shaqaalaha ka shaqeya safaarada waa la i yaqaanaa oo meesha si sharci ah ayaan ku imid, waxaa iga dhintay nin sharraf weyn ku leh dowladda iyo shacabka, saas oo ay tahay waxaan ka shaqeesan la’ahay qunsulka safaarada jooga, wuxuu shaqadeeda ku badlay Cabdisataar oo ah nin dowladda Kenya u xiran” ayeyy tiri.

Mar la weydiiyay cidda shaqaaleysiiyay, waxa ay tiri anniga xilligii xukuumadii Farmaajo ayaa meesha la i keenay waxaana i shaqaaleysiiyay wasiirkii arrimaha dibedda xilligaas Maxamed Cabdulaahi Omaar, waxaan heestaa warqadda shaqada la igu siiyay.

“Maanta wuu i gacan qaaday, waxaana arrintaas la socday safiirka, marka waa in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay wax ka qabato dhibaatada la igu hayo, maadama in muddo ah aan ka soo shaqeenayay safaarada” ayey tiri Seynab.

Safaarada Soomaalida ee Kenya waxaa maalmahan ka taagnaa is-qabqabi aad u ballaaran taasoo galaafatay wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com