Gaari isku dayey inuu Villa Somalia ku galo xoog iyo warar sheegaya in….!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada ee Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xalay fashiliyeen gaari loo fishay in uu ku sii jeeday gudaha Madaxtooyada, markii ay Ciidanka rasaas ku furayn.

Gaarigaan oo ahaa caasi/hoomeey, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu xowli ku soconaayay, isla-markaana uu Madaxtooyada doonaayay in uu ka galo albaabka ku beegan dhinaca Iskuuka 15 May ee Degmada Wardhiigleey.

Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada oo dareen ka muujiyay gaarigaasi, ayaa waxay u adeegsadeen rasaasta nool nool, iyadoo wadihii gaariga uu durbaba bilaabay in uu dib u gurto.

Ciidamada Madaxtooyada, ayaa rasaas ku ridaayay gaarigaasi ilaa uu ka kala wareego Barxaddii Degmada Wardhiigley, waxaase wax layaab leh lagu tilmaamay sida ay Ciidanku ugu fashilmayn in ay gacanta ku soo dhigaan gaarigaasi.

Rasaastii ay ridayeen Ciidanka Dowladda, ayaa waxaa ku dhaawacmay nin dukaan ganacsi ku heystay agagaaraha Barxadda Wardhiigley, kaasoo dhaawaciisa goor dhow la gaarsiiyay Isbitaalka Daaru Shifaa, ee Wadada Maka Al-mukarama.

Dadka ku dhaqan aaggaasi oo isugu soo baxay dhacdadaasi, ayaa si weyn u hadalhaaya gaariga xalay ka baxsaday gacanta Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka, ayaa isla dhex maraaya in gaariga uu la socday hal nin oo kaliya, inkastoo aynaan kala cadayn in kurasaasta laga soo dejiyay iyo in kale, ayna dhex fadhiyeen rag diyaarsanaa.

Si kastaba ha-ahaatee Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada oo rasaas xoog leh u adeegsaday gaarigaasi caasiga ah, ayaa waxay xitaa ku guul dareystaan in ay ka toogtaan taayeerada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com