Beelaha Hawiye “Ma aqbaleyno in dad ay iska sheegtaan Shabeelaha Hoose”

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xasan Xaad oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay tixgeliso rabitaanka dadka Gobalka Shabeelaha hoose.

Wuxuu sheegay in dadka reer Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe aysan aqbali doonin go’aan waliba oo ah mid kor looga keenay balse ay u baahan yihiin tixgelinta rabitaankooda.

“Waxaan rabnaa in la tixgeliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed dadka siyaasiyiinta ah ee damaca waalan leh oo awalba rabitaankooda ku shaqeynaye inaysan marin habaabin qaanuunka wadanka”Ayuu yiri Xaad.

“Ma aqbaleyno in la sheegto Shabeelaha Hoose ama Shabeelaha Dhexe, oo dad ay isaga darsadaan maamullo” ayuu yiri.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inaysan aqbalayn wax waliba oo ka baxsan Dastuurka Soomaaliya u yaalo, dadka Shabeelooyinkana ay ku heshiiyeen inay dhistaan Maamul Goboleed si sharciga waafaqsana ay ku dhisanayaan.

Hadalkaan ayaa Maxamed Xasan Xaad oo Odayaasha dhaqanka kamid ah wuxuu ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday in Gobalka Shabeelaha hoose lagu daro Baay iyo Bakool oo Baydhabo looga arimiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com