26.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Dadka Soomaaliyeed oo looga digay inaan la iibsan karin dhulka loo yaqaan Muuri ee ku yaala No 6

Bookmark
Bookmarked

Share

Ku: Dowladda Hoose ee Muqdisho

Ku: Shacabka Muqdisho

Ku: Warbaahinta Soomaaliyeed

OG: Hay’adaha Garsoorka Dalka

Ujeedo: Wargalin Muhiim ah.

ACWW – Anigoo ah Guure Xaaji Ibraahim Uunlaaye oo mas’uul ka ah hantida Xaaji Xaaji Ibraahim Uunlaaye oo dhan waxaan shacabka Gobolka Banaadir, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uga digayaa in aan la iibsan-karin dhulka loo yaqaan hadda Muuri oo ku yaala deegaanka No 6.

Dhulkaas, waa dhul dhaxal ah oo ka dhaxeeya dhammaanba reer Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxaana hadda ogsoonahay in ay jiraan shaqsiyaad ku howlan in ay si sharci-darro ah u iibsadaan. Iyadoo Docoments been abuur ah lagu soo sameeyay magaalada Roma, si loo xalaalaysto dhulkaas AU Xaaji Ibraahim Uunlaaye.

Mar kale – Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho u cadaynayaa in laga feejignaado iibsashada dhulkaas. Waxaana hadda dhulkaasi dagan dad maato ah oo u yaqaana mulkiyada dhulka AU Xaaji Ibraahim Uunlaayrle.

Wixii la xiriira sharciyada dhulkaas iyo lahaanshaha AU Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxaan u gudbin-doonaa hay’adaha Garsoorka Dalka, balse Ujeedada Ogaysiiskaan waa in aan shacabka ku baraarujiyo in ay ka feejignaadaan iibka sharci-darada ah ee dhulkaas lagu baadi goobayo hadda.

Ciddii u baahan macluumaad dheeraad ah oo xaqiiqo ah ha igala soo xiriirto cinwaankayga [email protected] Ama Taleefankeyga Kenya Nairobi +254726458625

- Advertisement -

Read more

Local News