Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi xiriir dhow la leh Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Xuseen ”Muungaab” ku eedeeyay in qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho uu kawado boob.
Siyaasi Xasan C/qaadir Muudey, ayaa sheegay in Gudoomiyuhu uu ku indha cad yahay inuu boobo dad masaakiin ah oo heysto Guryo iyo Dukumiintiyo sharci ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyada ugu baaqay inuu wax ka qabto arrintaani dadka jahwareerisay.
Siyaasiga oo la hadlaayay warbaahinta ayaa waxa uu yiri “Muungaab dhul boob ayuu ka wadaa deegaanka Garisbaaley ee duleedka Muqdisho. Dad buu doonayaa in awood uu kaga qaato dhul ay sifo sharci ah u lee yihiin, madaxweynaha waxaa laga rabaa in ninkaasi uu keenay uu dadka ka qabto”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Dadkaan waxay heystaan dokumentiyo sharci ah oo cadeynaaya inay dhulka lee yihiin, wuxuu ugu cago jugleeyay in xoog looga saari doono. Boob cusub oo hantida maguurtada ah lagu haayo weeye”
Dhanka kale, waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ku shaqada leh dhulalka inay ka fogaadan is daba marinta ay ku hayaan hantida shacabka, wuxuuna carabaabay in xisaabtan uu ka dambeyn doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

