Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in halkaasi laga maqlaayay Rasaas xoogan oo muddo kooban soctay.
Rasaasta oo aheyd mid leys weydaarsanaayay, ayaa waxa ay ka dhaceysay Bartamaha Magaalada kadib markii shakhsiyaad hubaysan ay isku dhaceen ciidamada amaankuna ay kala dareeriyeen.
Isku dhaca ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay muran dhuleed oo laysku Maan-dhaafay meel u dhaw xaruntii tiyaatarka oo haatan dad shacab ah dhisteen.
Muranka ayaa gaaray heer ay dadkaasi isu adeegsadaan rasaas, waxaana markii dambe halkaasi gaaray Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa loo yaqaan RRU-da oo rasaaseeyeen dadkii meeshaasi ku muransanaa iska hor imaadkuna ka dhexeeyay.
Dhanka kale, waxaan la sheegin ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo ay sababtay rasaasta dhacday,xaaladda ayaa haatan caadi ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

