29.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Dadweynaha iyo gaadiidka oo billaabay isticmaalka jid xirnaa 10 sano + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u furay waddo 10-sano xirneyd, waana wadada isku xiriirisa isgoyska KM4 iyo Tarabuunka.

Wadadaan waxey u xirneyd safaarado shisheeye oo daganaa bartamaha wadada, waana safaaradaha Turkey, oo horey uga guurtay iyo Qatar oo haatan ka guuray.

Labada safaaradood waxey u guureen dagmada Cabdicasiis oo ay safaarado ka dhisteen, Qatar ayaana ugu dambeysay oo ka guurtay wadada ay ciidamada maanta fureen.

Furitaanka waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xoogeystay tan iyo markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilka la wareegay, waxaana xusid mudan inuu xalay soo booqday wadada la furay.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay furitaanka wadada oo ay u arkaan iney muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidkaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan xirtay waddooyinka magaalada Muqdisho sanado ka hor iyadoo ujeedka uu ahaa in laga hortago weerarada iyo qaraxyada ay sameeyaan dagaalyahanada Al-shabaab ee ku xoogan koonfurta Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News