Dagaal beeleed dib uga qarxay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose

Marka (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Labo beel oo dega magaaladaasi, marar badanna halkaa isku qabtay ayaa xalay ku dagaallay sida la sheegay xaafadda Buulo Jaan ee Marka.

Dagaalkan ayaa socday in ka badan Laba saac, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen hub culus.

Waxaa jira khasaare nafeed oo dagaalkaasi ka dhashay balse lama oga inta uu la egyahay.

Xaaladda Marka maanta waa ay ka deggan tahay sidii hore, balse dadka deegaanka oo aynu xiriir la sameennay waxay sheegayaan in ay jirto xiisad kacsanaan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com