Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya inuu ka socdo dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac kaasi oo bilowday xalay saqdii dhexe.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhaxeeyo ciidamada maamulka Ahlu sunna ee degmada Dhuusomareeb iyo ciidamo uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Dhuusomareeb ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu waday Liibaan Madaxweyne, waxaana lagu soo waramayaa inuu dagaal ku qaaday magaalada.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamaya, waxaana saaka adag inaad hesho xogta dagaalka.
Ku dhawaad 7 saac ayuu dagaalka magaalada ka socdaa, sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

