Dagaal culus oo caawa ka dhacay Beledweyne iyo xaaladda oo weli kacsan

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca xiga garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ku dagaalameen laba ciidan.

Ciidamo militeri ah ayaa caawa weeraray Bar-control oo ciidamada booliska HirShabeelle ay ku leeyihiin afaafka hore ee magalaada, gaar ahaan dhanka xiga garoonka diyaadaha ee Ugaas Khaliif.

Bartaas Koontorool ayaa ah mid ay ciidamada boolisku ku qaadaan cashuurta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada la weeraray ay is difaaceen, isla markaana dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaas, waxaana weli hoobta isku hor fadhiya ciidamadii dagaalamay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka ciidanka weerarka qaaday iyo qeybta ay ka tirsan yihiin.

Wararkii qaar waxay sheegayaan in ciidanka militeriga ah ee weeraray booliska ku sugnaa bartaas koontorool ay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, isla markaana ay doonayaan inay la wareegaan goobtaas lagu qaado canshuurta.