27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Axmed Madoobe oo farriin culus mucaaradka ugu soo dhiibay Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta yeeshay shir uu aaladda foggaan aragga uga qeyb galay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo farriin cusub u soo dhiibay mucaaradka.

Khamiista berri ee 3-da Luulyo waxaa lagu balansan yahay in dib loo bilaabo wadahadallada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta uga furmay Villa Somalia.

Axmed Madoobe ayaa mucaaradka ka codsaday in Xasan Sheekh ay hordhigaan dalabaadkiisa caddeynaya inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo dowladda federaalka, si meesha looga saaro khilaafka isku beddelay colaadda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in berri ay Xasan Sheekh hordhigaan dalabaadka uu u soo dhiibay Axmed Madoobe, oo markaan diyaar u ah wadahadal uu la galo dowladda federaalka.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa maanta dood adag ka yeeshay ajendayaasha ay berri hordhigayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, markii ay berri la kulmaan, iyagoo isku raacay dhowr qodob, sida aan xogta ku heleyno.

Arrimaha doorashooyinka iyo dhameystirka daatuurka ayaa ugu adag qodobada la isku hayo, iyadoo isfaham hordhac ah lagu gaaray kulamadii ugu dambeeyey ee Xasan Sheekh iyo mucaaradku ay ku yeesheen Madaxtooyada.

Wadahadallada Mucaaradka iyo Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalmahaan ay sii socdaan, iyadoo Xasan Sheekh uu u muuqdo in tanaasul uu ka sameynayo qodobada qaar oo markii hore uu mowqif adag ka taganaa, sida wax ka bedelka dastuurka.

Dhankooda xubnaha mucaaradka ayaa caddeeyey in dowladda ay la qabaan in doorasho qof iyo cod ah la qabto, balse ay doonayaan inay noqoto mid si xor iyo xalaal ah u dhacda, iyagoo ku doodaya in Xasan Sheekh uu labo mid damacsan yahay 1-in waqtiga uu ku dheereysto qabashada doorasho dadweyne iyo mid ku shubasho ah uu qabto.

- Advertisement -

Read more

Local News