DAGAAL culus oo dib uga dhex qarxay qabaa’ilka iyo Al-Shabaab + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya dagaal-yahanada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa markale dib uga qarxay deegaano kamid ah degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceeleey oo qiyaastii 19KM dhanka bari ka xigta Maxaas, waxaana ku dhintay ku dhawaan 13 ruux oo labada dhinac ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli deegaano badan oo hoostaga Maxaas ay ka taagan yihiin abaabul iyo dhiillo colaadeed.

Sidoo kale Ciidamada dowlada ayaa isla maanta la wareegay tuulada Dabayoodle oo hoostagta degmada Buulo-burte, halkaasi oo Al-Shabaab ay ku leeyahiin bar-kantarool oo canshuuraha ay ku qaadi jireen.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliska Ciidamada Militriga iyo kan booliska gobalka Hiiraan ayaa ku sugan inta u dhaxeya degmooyinka Baledweyne, Maxaas iyo Buloburte.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii labo maalmood ka hor dagaal-yahaanada Al-Shabaab ilaa labaatan qof oo shacab ah ay ku dileen degaanka Afar Irdood, islamarkaana ku gubay Sagaal gaari oo siday badeecado kala duwan.

Al-Shabaab ayaa dhankooda ku dooday in dadka ay dileen ay ahayeen xubno ka mid ah maleeshiyaadka Macawisleyda loo yaqaano, oo ay sheegen in uu dagaal xoogan ka dhaxeeyo.

Si kastaba, xiisada maalmahaan ka taagan degmooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte ayaa saameyn ku yeelatay gaadiidka xamuulka iyo kuwa qudaarta ee iyagu iskaga kala gudbi jiray inta u dhaxeysa labadaasi magaalo.