Dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka Galgaduud

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta uu dagaal beeleed dib uga qarxay duleedka magaalada Cadaado ee gobolkaasi.

Dagaalka oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed ayaa haatan ka socdo tuulada Baale oo hoostegta deegaanka Dhagax-dheer ee Galgaduud, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in garab ka mid ah maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato oo ku sugnaa tuulada, waxaana sidaas ku qarxay dagaalka.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana dadka deegaanka saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyadaas iyo dagaalka ka qarxday halkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay ku baxeen xiisaddaasi, si dagaalka loo qaboojiyo.

Maleeshiyaadka labada beel ee dagaalamaya ayaa isku haya dhul daaqsimeed ku yaalla tuulada Baale oo hoostegta deegaanka Dhagax-dheer ee gobolka Galgaduud.

Inta badan waxaa deegaannada Galmudug ku soo laa-laabta dagaal beeleedyada, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamo.