25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Dagaal culus oo ka dhacay Ceelgorof + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacat deegaanka Ceelgorof oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo dhex-maray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay howlgal ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

“Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in jab culus la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha la weeraray ee ku sugnaa aagga deegaanka lagu magacaabo Ceelgorof ee gobolka Galgaduud.

“Howlgalkaan ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadedka.

Dhinaca kale, howlgal kale oo ka dhacay koonfurta Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Cadaley ayaa waxaa lagu dilay illaa 10 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana howlgalkaas qaaday ciidamo deegaan ah oo is abaabulay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayaa gobollada dhexe ee dalka oo ay ka socdaan guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana sidoo kale qayb ah ciidamada Ahlu Sunna Wajamaaca oo dhankooda dhowaan ku biira dagaalka.

Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay abaabullo culus ka socdeen deegaannada Galmudug iyo HiShabelle, kuwaas oo ka dhan ah Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News