Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Iska horimaadkan xooggan ayaa weli ka socda Tuulada Aamin, oo hoostagta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, oo dhawaan ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.
Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay weerar qorshaysan ku qaadeen cutubyo ka tirsan Jubbaland, kuwaas oo maalmahii la soo dhaafay isku urursanayay Tuulada Aamin, oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud, iyadoo jugta hubka culus laga maqlayo masaafooyin fog.
Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka, mana jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee isku haya goobta dagaalka.
Dagaalka maanta ka qarxay duleedka Beledxaawo ayaa kusoo beegmaya xilli horraantii dhammaadkii bishii hore ciidamada Dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledxaawo.
Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.