DAGAAL culus oo xalay ka dhacay Jowhar + Khasaaraha

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidan ka tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar oo caasimad u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Booliska ee magaaladaasi, waxaana dhex-maray is rasaaseyn khasaare dhalisay oo muddo ka socotay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac ay ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana jira dhaawac kale oo ka dhashay iska hor imaadkaasi.

Is-rasaaseynta ayaa dhacday, xilli loo dabaal-degayey xuska munaasadda 26-ka June, iyada oo cabsi soo wajahday dadkii ka qeyb-galayey xafladda dabaal-degga.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dagaalka dhex-maray labada dhinac, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa goobihii lagu diriray ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelah Dhexe.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha magaalada Jowhar, waxaana ka dhasha khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba ciidamada Haramcad ayaa waxaa halkaasi loo geeyey sugida ammaanka, maadaama ay Jowhar ka dhaceyso doorasho heer baarlamaani ah.