‘Dagaal dhex-maray’ laba ka mid ah garabyada Shabaab

Awdheegle (Caasimada Online) – Isku dhac u dhaxeeya maleeshiyaad ka wada tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa lagu warramay in saacadihi la soo dhaafay uu ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Awdheegle iyo Marka ayaa sheegay in isku dhac u dhaxeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab uu xalay ka dhacay degaanka Biyamaalow oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

Maleeshiyaadka Xisbada iyo kuwa Jabhada oo kawada tirsan Al-Shabaab ayuu dagaalka u dhaxeeyey lamana oga sababta rasmiga ah, hase waxaa jira inuu ka dhashay muran dhaxmaray labada maleeshiyo askar ka tirsan.

Iska hor imaadkaan ayaa la sheegay inuu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah waxaana sidoo kale jira cabsi uu degaanka ka abuuray.

Saraakiisha ciidanka Milateriga Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha ee Muqdisho u sheegay in Al-Shabaab ay iska dileen maleeshiyaad dhowr ah.

Kooxda Al-Shababa weli kama aysan hadal dagaalkan. Sidoo kale ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka saraakiisha dowladda.