Dagaal horleh oo ka qarxay Garoowe + Khasaaraha

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dagaalka oo ka dhacay dhanka bari ee magaalada ayaa wuxuu u dhexeeyay rag hubeysan oo isku qabtay dhul ku yaalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa is rasaaseynta dhex martay labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli is horfadhiya, waxaana soconayo dadaallo ay wadaan madaxda Puntland iyo waxgaradka Garoowe, si looga hortago xiisaddaasi.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gaaray meesha lagu dagaalamay, waxayna isku geedaameen labada dhinac ee dagaalamay.

Xaaladd ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaad kale uu ka dhaco Garoowe, maadaama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi, inkastoo oo ay socdaan dadaallo ay wadaan ciidamada Booliska.

Garoowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan oo ka dhasha muranada dhulalka iyo kuwa kale oo ku aadan la dagaallanka kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaaladaas iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.