25 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaal maanta ka dhacay Ceelsaliini

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta howlga culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Ceelsaliini ee gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, kadibna ay jab culus gaarsiiyeen.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada ee horkacayay duulaanka lagu qaaday kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay inay cashir ugu dhigeen Khawaarijta, ayna burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen aagga deegaanka Ceelsaliini ee gobolka Shabeelaha hoose.

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale xusay in howlgalkan uu isku xiran Lambar Konton, illaa KM7, ujeedkana uu yahay in lagu ciribtiro Al-Shabaabka ku sugan halkaasi.

“Waxaan har iyo habeen u taaganahay dabagalka iyo dabar goynta kooxda Khawaarijta Al-Shabaab meesha ay taaganahay waa Ceelsaliini howlgalkan wuxuu isku xiran yahay lambar konton, illaa KM7” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca A-Shabaab oo ku aadan howlgalka ay guusha ka sheegatay dowladda fedearaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolkan oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday guluf ka dhan ah Khawaarijta, kuwaas oo guullo waawayn laga gaaray, maadaama la xoreeyay deegaann dhowr ah.

- Advertisement -

Read more

Local News