Dagaal ka dhacay degmada Baraawe + Waxa la isku hayo

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta halkaas ka dhacay, kaasi oo salka ku haya maamulka degmada.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada militariga dowladda oo hal dhinac ah iyo ciidamo uu diyaarad ku keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo laga soo qaaday Baydhaba.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay kasoo horjeesteen doorashada golaha deegaanka oo madaxweynaha Lafta-gareen uu doonayo inay kusoo baxaan dad aan magaalada u dhalan, islamarkaana xuquuqdooda duudsiiyey dadkii degan magaalada.

Dadka degan magaalada ee Lafta-gareen uu sheegay inaysan waxba ku laheyn maamulka ayaa u badan dad kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in dagaalka maanta xoogiisa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hoyga guddoomiyaha degmada, Cumar Sheekh Cabdi Safaana.

Ciidamada deegaanka u dhashay ayaa ka biyo diidan in doorasho la qabto doorashada golaha deegaanka, ayada oo aan xal laga gaarin xuquuqda dadka magaalada degan. 

Madaxweynaha Lafta-gareen ayaa lagu eedeeyey inuu sabab u yahay xiisadda ka taagan magaalada, sababtoo ah wuxuu isku dayayaa in maamulka magaalada loo gacan geliyo qolo gaar ah, ayada oo dad badan oo degan magaalada loo diidayo xuquuqdooda matalaad.