DIYAARAD ku gubaneysa garoonka Doolow + Sawirro

Doolow (Caaismada Online) – Diyaarad ayaa hadda ku gubanaysa garoonka diyaraadaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo, si ay sheegayaan warar goordhow halkaas naga soo saaray

Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul. Waxay saaka ka tagtay magaalada Muqdisho iyadoo sidda xamuul.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay VOA in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo cago dhigataay garoonka.

Sawirro laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujineysa in dabka ka kacay uu yahay mid weyn, oo u muuqda inuu gebi ahaan burburiyey diyaaradda.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doolow iyo kuwa gobolka Gedo, iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin.

Hoos ka arag sawirrada