Madaxweyne Biixi oo si kulul ugu jawaabay PUNTLAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal dhowaan kasoo yeeray Puntland, kadib markii xubno ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ay soo jeediyeen in Somilanad lagu daro liiska argagixisada.

Muuse Biixi oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray oo ay daris yihiin uu ku noqday mid lama filaan ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in untland ay ku wada nool-yihiin nabad iyo darisnimo laakiin ay arrintu markii hore ka socotay Xamar.

“Lagama fileyn maanta halkaas ay ka qaaday Puntland awal hore Xamar way ka socotay taas iyo tu la mid ahi, laakin lagama fileyn Puntland oo aynu jaar nahay oo nabad aan ku wada nool-nahay oo dad iyo duunyaba aan is dhex-marno,” ayuu yiri Muuse Biix Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Somalililand ay jeceshahay in Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad, una duceynayaan markasta.

“Waxaanu leenahay hadeynu nahay Qaranka Somalilland annaga waxaanu fidineynaa in Soomaaliya nabad loo doono gudahooda ka heshiiyaan annaguna aan u duceyno. Colaad kama rabno halkaa ay dhigeen waxa aan u dhigeynaa walaaltinimo inay gudahooda hagaajistaan,” ayuu markjale  khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyn wuuxuu ugu baaqay Puntland inay ilaaliso nabadda iyo darisnimada, isaga oo sheegay inay wax badan ka dhexeeyaan Somaliland oo ay dano wadaag yihiin.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada todobaadkan gudihiisa xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland oo ka qeyb-galayey furitaanka kalfadhiga 49-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ay ku taliyeen in liiska argagixisada lagu daro Somaliland oo ay jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan dadkii shacabka ahaa ee dhowaan laga raafay maamulkaasi.