Sidee isbedalka ITOOBIYA u saameynayaa FARMAAJO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka sii dareysa ee wadanka Itoobiya, wuxuuna sheegay in isbedalka ka dhaca dalkaasi uu saameynayo Geeska Afrika.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in xasilooni darrada haatan ka jirta dalka Itoobiya ay saameyn togan iyo mid taban ku yeelan doonto gobolka oo dhan.

“Dhacdooyinka Itoobiya si degdeg ah oo xiisaba leh ayey isku beddelayaan. Isbeddelka ka dhaca Itoobiya wuxuu saameyn togan iyo mid taban ku leeyahay Geeska Afrika oo mowjado xasillooni darri iyo xiisad siyaasadeed la daalaa dhacaya,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo oo saaxib dhow la’ah Abiy Axmed uu haatan soo wajahay walwal, isaga oo xusay inay meesha ka baxayaan ciidamada Itoobiya ee uu isku haleynaayey, si ay doorashada uga gacan siiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Famaajo walwal weyn ayaa haya, sababtoo ah wuxuu si wayn iskugu halleynayay in ciidanka Itoobiya ee Baydhabo, Gedo, Beledweyne, iyo kuwo uu maalmihii tegey Kulane ku sii gurayey Dhuusamarreeb ay doorashayoonka ku gacan siiyaan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xasaradda ka taagan Itoobiya xittaa ay sidoo kale saameyneyso Isbahaysigii seddax geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, isaga oo shaaca ka qaaday in uu dumaya xukunkii daba dheeraa ee kali-taliska ah.

“Dhinac kale, walwal weyn ayaa haysta Isbahaysigii seddax geesoodka ahaa, sababtoo ah waxaa dumaya xukunkii kalitaliska iyo xarun dhexe ka taliska (Centralised) ahaa ee shaatiga wadaniyadda iyo shacabeynta (populism) ku dhisnaa. Maalmo adag oo xiisad iyo hubanti la’aan leh ayaa Gobolka ku soo wajahan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Itoobiya ayaa waxaa haatan ka jirta xiisad xoogan, waxaana dalka oo dhan lagu soo rogay xaalad deg-deg ah, kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka dowladda iyo Jabhadda TPLF.