Madaxii doorashada Cabdi Cali Raage oo Kismaayo ‘laga soo musaafuriyey’ + Sababta

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cali Raage oo haatan ah La-taliyaha dhanka arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa shaaca ka qaaday in Kismaayo lagu xiray wakiilkii u qaabilsanaa dhanka ololihiisa doorashada oo abaabul xoogan ka wada deegaanada maamulka Jubbaland.

Cabdi Cali Raage oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in xalay uu xabsiga ku hoyday ninkii u qaabilsanaa ololihiisa doorashada xildhibaanimo ee Kismaayo, isla-markaana saaka la geeyey garoonka magaladaasi, si loo soo masaafuriyo.

“Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in arrintan ay horseedeyso in Kismaayo aysan ka dhici karin doorasho lagu kalsoon-yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay,” ayuu sii raaciyey Mr Raage.

Halkan hoose ka aqriso:-

War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho
kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga.

Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan.

Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay.

Waxaan marka labaad ku baaqayaa in muwaadinkan gurigiisa iyo caruurtiisa aan lakala go’doomin hadii uu danbi leeyahayna haayadaha cadaalada la hor geeyo hadii kalana xoriyadiisa loo celiyo.

In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah.