Musharaxiinta madaxweyne oo beelahooda weydiistay kuraas xildhibaan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana socda olole xooggan oo loogu jiro kuraastaas oo furo weyn u ah doorashada Soomaaliya.

Sanadkaan doorashada Golaha Shacabka waxay sanadihii hore kaga duwan tahay inay jiraan dhowr musharax oo u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay kamid ah noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah kuwa horay usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya, waxayna ujeedada ugu weyn tahay sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen gudaha Baarlamaanka, marka la gaaro doorashada xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah musharaxiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beelaha ay kasoo jeedaan weydiistay in la siiyo kursiga, waxaana jiro qaar ku guuleystay in loo ogolaado iyo kuwa aan weli helin natiijo la isku haleyn karo.

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Siyaasigaan oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beeshiisa ka codsaday in la siiyo kursiga xildhibaanimo, waxayna wararku sheegayaan in markii hore loo ogolaaday, balse uu markii dambe la kulmay cadaadis xoog leh oo keentay inuu isaga haro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa culeys kala kulmay siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo jeeda beeshiisa, waxaana ugu dambeyn lagu qanciyey inuu isaga haro doonistiisa uuna ku ekaado tartanka xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

2- Sheekh Shariif Sheekh Axmed: 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, hadana kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beeshiisa ku codsaday in la siiyo kursiga ay beeshiisa ku leedahay Baarlmaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo ah siyaasi taageero fiican ka heysta beeshiisa ayaa waxaa u suurtagashay in beeshiisa ay u ogolaato in la siiyo kursigaas.

Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Shariif ayaa shuruud adag uga dhigtay inuu isaga noqdo Xildhibaan, isla markaana aysan ogolaan doonin haddii uu cid kale usoo sharaxo kurisgaas, waxaaana la xaqiijiyey inuu Shariif aqbalay shuruudaas.

3 – Shariif Xasan Sheekh Aadan

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan safar ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeshiisa ka codsaday in la siiyo kursiga Xildhibaano ee Baarlamanka Soomaaliya.

Shariif Xasan oo ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ujeedkiisa ugu weyn ay tahay sidii uu noqon lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa kamid ah musharaxiinta la rumeysan yahay inay heli doonaan kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, waxaana hadda kursigiisa ku fadhiyo wiil uu dhalay.

Inkastoo uu culeys saa’id ah kala kulmi doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen haddana Shariifka ayaa ah siyaasi miisaan culus ku leh beeshiisa, waxayna taas ka saacidi doontaa inuu fursad u helo kursigiisa.

4- Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday ayaa ah musharaxa kaliya ee noqon doona Xildhibaan aan tartan gelin, maadama uu dheeraad ku noqon doono 275 Xildhibaan ee golaha shacabku uu ka kooban yahay.

Dastuurka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh u ogolaaday inuu xubin dheeri ah ku noqdo Baarlamaanka Soomaaliya maadaama uu si nabad ah ku wareejiyey xilka.

Xasan Sheekh ayaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaan sharafeed, wuxuuna qaadanayey mushaar aad uga badan kuwa ay qaataan xildhibaanada caadiga ah.

5 – Cabdulqaadir Cosoble

Waa musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday.

Cosoble ayaa kamid ah musharixiinta la rumeysan yahay inay heli doonaan kursiga xildhibaan ee beeshiisa, inkastoo uu geli doono tartan culus oo maadaama kooxda Nabad iyo Nolol ay waqti iyo lacagaba ku bixineyso sidii ay meesha uga saari laheyd.