Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qeybo ka mid ah magaaladaas oo xarun u ah gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay bar-koontarool oo ku taalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee Baydhabo, kadib markii ay soo weerareen Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in iska hor imaadkaas ay ku dhaawacmeen carruur walaalo ah, sidoo kalena uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkan ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare lixaad leh gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaan xaafado ka tirsan degmada Baydhabo iyo duleedkeeda howl-gallo kooban ka sameeyey ciidamada ammaanka.

Baydhabo ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka, waxaana weeraro & dilal ka fulisa kooxda Al-Shabaab.