Gudiga xalinta khilaafaadka oo baaris culus ku bilaabay kursiga Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, Maxamed Ibraahim Barre ayaa faah faahin ka bixiyey dooda ka dhalatay kursigii uu maalin ka hor ku soo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Guuleed.

Barre ayaa shaaca ka qaaday in haatan guddiga uu bilaabay baaris la xiriirta dacwadda loo soo gudbiyey oo ka timid xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga xallinta khilaafaadka ayaa wereysigan ku sheegay in muddo todobaad ah ay ku soo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in waajibaadka loo igmaday ay tahay inay u cadaalad falaan tartamayaasha, ayna ku dadaalli doonaan kala saarida labada nin ee is haya.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa shalay soo saaray qoraal xasaasi ah oo lagu hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka waxaana looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop 239, illaa inta ay kasoo dhammaaneyso dacwadda.

Mahdi ayaa waxaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay, isla-markaana uu doonayo inuu isaga ku fariisto afarta sano ee soo socota.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ayaa kusoo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, sida uu shaaciyey guddiga maamullada doorashada kuraasta gobolada waqooyi.