DAGAAL ka dhex qarxay Soomaalida iyo mid ka mid ah qowmiyadaha Itoobiya

Jigjiga (Caasimada Online) – Dagaal kasoo cusboonaaday xuduuda Soomaalida Itoobiya iyo Canfarta ayaa waxaa lagu dilay 27 qof, iyadoo dagaalkaasi uu salka ku haayo muran xuduudeed.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in 27 qof ay ku dhinteen dagaalkaasi oo dib ugu qarxay deegaanada xuduuda ay ku muransan yihiin Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaalka qowmiyadaha wada dega ee Soomalida iyo Canfarta ayaa salka ku haya muran dhinaca xudduudaha oo muddo dheerba soo jiitamayay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinac ee Ismaamulka.

Afhayeen u hadlay Soomaalida Itoobiya oo lagu magacaabo Cali Bedel ayaa sheegay in 27 qof ee la dilay ay ka danbeeyeen maleeshiyo kasoo jeeda deegaanka Canfarta.

Tan iyo markii uu xilka qabtay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxaa waxaa dalka Itoobiya ka dilaacay dagaalo qabiil oo ku saleysan muranka dhulka iyo awooda.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ee madaxweyne Mustafa ayaa buriyay ama laalay heshiis maamulkii ka horreeyay ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay maamulka gobolka Canfarta ee dalkaasi oo uu ku wareejiyay dhul ay Soomaalida leedahay, heshiiskaasi oo dowladda dhexe ay taageereysay, loona arko dhibaatada xiligaan taagan in ay u sabab tahay.