Waa kuma ninkii dadka ku gowracay France kadib aflagaadadii loo gaystay Nebi Maxamed NNKH?

Nice (Caasimada Online) – Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka Faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tunisia.

Eedeysanahan oo 21 jir ah, laguna magacaabo Brahim Aouissaoui, ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa “gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay”.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan “weerar argagixiso oo ay fuliyeen koox islaamiyiin xagjir ah”.

Mr. Macron wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado – sida kaniisadaha iyo iskuulada – inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baadhitaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya.

Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.

Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka xagjirka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.

Qofka looga shakisan yahay weerarka Nice ee Brahim Aouissaoui ayaa la maqlayey marar badan isaga oo ku celcelinaya”Allahu Akbar” (Ilaahay baa weyn) ka hor inta aysan boolisku toogan.

Kitaab Quraan ah, labo taleefan iyo mindi 30cm ah (12 inji) ayaa laga helay ninkii weerarka soo qaaday, ayuu yiri madaxa dacwad oogaha Faransiiska ee la dagaalanka argagixisada Jean-François Ricard.

“Waxaan sidoo kale helnay boorso uu ka tagay qofka weerarka soo qaaday, boorsadaan waxaa ku jirey labo mindiyo oo aan loo adeegsan weerarka, “ayuu raaciyay.

Isaga oo ka hadlaya booqashadii Nice, Mr Macron wuxuu yiri: “Haddii mar labaad nala soo weeraro waa qiimahaa aan leenahay: xorriyadda, suurtagalnimada dhulkeenna in aan si xor ah u aaminsanaano oo aan loo dhiibin ruux kasta oo argaggixiso ah”

“Waxaan si cad ugu sheegayaa mar kale maanta: isma dhiibi doonno.”

Laba weerar oo kale ayaa dhacay Khamiistii, mid ka dhacay Faransiiska iyo mid ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Nin ayaa lagu toogtay Montfavet oo u dhow magaalada koonfurta Faransiiska ku taal ee Avignon ka dib markii uu booliska ugu hanjabay baaskoolad.

Waardiye ayaa lagu weeraray bannaanka qunsuliyada Faransiiska ee Jeddah ee Sacuudi Carabiya. Tuhmane ayaa la qabtay, halka waardiyihii loo qaaday isbitaalka.