Beledweyne (Caasimadda Online) – Rasaas xoog leh ayaa goor dhaw laga maqlay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweye, kaddib markii ciidamada dowladda weerar ku qaadeen saldhig xaafadda ay ku lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan maamul la baxay Westland State.
Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii kooxaha maleeshiyada ah ka dhaga-adeygeen ay isaga baxaan saldhig ay halkaa ku lahaayeen, taasoo keentay in ay ciidamada dowladda federaalka weerar ku qaadaan kooxaha maleeshiyada ah.
Rasaas ayaa wali la maqlayaa waxaana muuqata in ciidamada dowladda iyo kooxaha maleeshiyada ku dagaalamayaa saldhiga gaar ahaan dhulkii Onadka ee wasaarrada gadiidka iyo duulista hawadda oo fariisin u aheyd kooxaha maleeshiyada ah.
Wararka ayaa sheegaya dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan in laga maqlaayo xaafadda Hawlwadaag, waxaana jira khasaare dhaawac ah oo ka dhashay rasaastaasi.
Qof ku sugan xaafadda Hawlwadaag ayaa sheegay inay ku jiraan guryaha oo aysan ka bixi karin, sababo ku aadan dagaalka oo si xoogan u socda.
Maleeshiyaadka taabacsan Westland, ayaa isu deyaya in ay iska difaacaan weerarka ciidamada dowladda, ku soo qaadeen.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo aan la xiriirnay waxa ay inoo sheegeen in faah faahinta dagaalka, ay dib ka bixin doonaan.