25 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

DAGAAL maanta ka dhacay Marka – Yuu u dhexeeyay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal kooban oo maanta ka dhacay gudaha degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Dagaalka aya ka dhacay xarunta maamulka, wuxuuna dhex-maray ciidamo ay kala wateen gudoomiyaha degmada iyo guddoomiye ku xigeenka amniga ee magaalo xeebeedka Marka.

Is rasaaseynta ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari, waxaana sidoo kale dagaalka uu sameeyay shacabka, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaasi.

“Shaqaaqo yar ayaa dhacday ninyahow waxaa isku dhacay ciidankii istaafka guddoomiyaha degmada iyo ciidanka guddoomiye ku xigeenka amniga hadda wax dhibaato oo saas ah ma dhicin hal askari ayaa ku dhaawacmay intaa ognahay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Marka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Meesha ay xabadaha ka dhaceen waxay ahayd xarunta gobolka markii aan ku baxnayna annagaa ku guuleysana inaan dagaalka istaajino”.

Sidoo kale, wuxuu guddoomiye ku xigeenkii hore ee Marka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye uu sheegay in labada nin ay isku dagaaleen arrimo la xiriira kaarka NIRA oo dhawaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gaysay magaaladaas, si loo gaarsiiyo shacabka.

“Waxay isku qabteen karaarka hadda la sameynaayo ee NIRA hadda xaaladda waa qabowday, ciidamadiina waa kala dirnay, wixii dhacay waa la’iskula xisaabtami doonaan” ayuu sii raaciyay.

Marka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo ciidanka dhexdiisa ah iyo weeraro gaamdo ah oo mararka qaar ay kusoo qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News