Maxaas (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Waab-weyn ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa markii dambe waxaa ku biiray cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo gurmad u fidiyay ciidamada deegaanka.
Iska horimaadka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay dileen laba qof oo rayid ah oo ka soo jeeday deegaanka.
Dilka labada qof ayaa la sheegay inuu kiciyay caro xooggan, taasoo keentay in ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadaan fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka.
Dagaalka ayaa si degdeg ah u xoogeystay, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in rasaas culus laga maqlayay aagga uu dagaalku ka socday, halka ciidamada dowladda ay markii dambe gaareen goobta si ay u garab siiyaan Macawiisleyda.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo muujinaysa khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.
Sidoo kale, waxaa la soo sheegay in inta uu socday iska horimaadka la maqlay duqeyn, hase yeeshee weli lama oga cidda fulisay iyo khasaaraha ka dhashay.
Deegaanka Waab-weyn iyo deegaanno kale oo hoostaga degmada Maxaas ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo Macawiisleyda oo iskaashanaya, kuwaas oo wajahaya dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.
Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid ka mid ah goobaha uu sida weyn uga socdaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dhowr jeer ku qaadeen weerarro ka dhan ah fariisimaha kooxda. Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa iyaduna kordhisay weerarrada ay ka fulineyso deegaannada gobolka.
Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka HirShabeelle oo ku saabsan dagaalka ka dhacay Waab-weyn iyo khasaaraha ka dhashay. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faah-faahin dheeraad ah, maadaama xaaladda deegaanka ay weli tahay mid kacsan.

