Garoowe (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka Daacishta Somalia ayaa waxa uu maanta ka dhacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka culus waxaana lasoo warinayaa in dagaalka uu imaaday kadib markii ciidamada maamulka ay isku dayeen inay ku siqaan deegaanada ay heystaan maleeshiyaadka Daacish.
Dagaalka xoogiisa ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadka Daacishta Somalia ay Hubka culus ku rideen Gaadiidka Dagaalka ciidamada Puntland, oo u ruqaansaday qeybaha ay wali heystaan Daacish.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay degaan buuruha aad ugu badan yihiin,islamarkaana ay adag tahay in labada dhinaca ee diriraya ay si fudud u kala guulaystaan.
Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada maamulka ayaa sheegay in Dagaalka maanta ay ku dileen ilaa Seddex Dagaalyahan, halka sidoo kalane ay dhaawac u geysteen Hal dagaalyahan.
Ciidamada maamulka ayaa waxaa sidoo kale dagaalka kaga dhaawacmay ilaa Laba Askari, oo jiida hore ee Dagaalka ku jirtay.
Maleeshiyaadka Daacishta Somalia, ayaa wali ku sugan Tuulooyin duleedka ka ah Degmada Qandala.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

