DAGAAL xalay ka dhacay degmo ka tirsan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo koox hubeysan oo burcad ah ayaa xalay ku dagaalamay Waaxda Jenaraal Daa’uud oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana is rasaaseynta ka dhashay khasaare kala duwan.

Iska hor imaadka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ceelqalow, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgal ku qaadeen rag burcad ah oo ku howlanaa dhaca dadweynaha.

Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Dalxiis) oo guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir ayaa Wariyeyaasha u sheegay in 5 ka mid ah burcadda la qabtay, wuxuuna tilmaamay in xilligaas ay Mooto ku dhacayeen shacabka degmada Wadajir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jiraan rag kale oo ciidamada amniga ay ku raadjoogaan, isla-markaana uu socon doono howlgalka ka dhanka ah burcadda.

C/risaaq Dalxiis ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka shacabka ah ee soo gudbiyey xogta raggaasi, kadibna ay u suuragashay inay ciidamada ammaanka ay soo qabtaan.

”Aniga oo wakiil ka ah shacabka deggan waaxda koowaad ee degmada waxaan ka codsan lahaa in ay gacan naga siiyaan xogta burcada dhibaateeya shacabka si aan meel ugu soo wada jeesano cadowga ku howlan dhibaateynta shacabka daggan degmada,” ayuu yiri.

Habeenadii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada Booliska ay xoojiyeen howlgallada ka socda Muqdisho ee lagu xaqiijinayo amniga guud, si looga hortago falalka amni darrada ah.