Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu ka socdo dhulka hawdka ah ee gobolkaasi.

Dhulka hawdka ah ee ku dagaalamayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu udhaxeeya deegaanada Cali Yabaal iyo Cows-weyne oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda oo kusii jeeda deegaanka Cows-weyne ay wadada u galeen dagaalyahaano ka tirsan Al-Shabaab, taasi oo keentay inuu halkaas ka bilowdo dagaal aan waxba la iskula harin oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Cows-weyne ayaa la sheegay inay tahay deegaan muhiim u ah kooxda Al-Shabaab, wuxuuna kamid ah yahay deegaanada ay hadda dagaalamayaasha kooxda kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howl-galo saf-ballaaran ah oo kooxda looga sifeynayo.

Dagaalka maanta ka socda deegaanadaasi ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay shalay howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen tuullooyin dhowr ah oo hoosyimaada deegaanka Budbud ee gobolkaasi.

Howl-galada Galgaduud ayaa waxaa hadda siman oo si saf-balaaran ah ku socda duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, islamarkaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

Si kastaba, Wejiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u billowday, iyada oo wejigan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada dalalka deriska, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalkan oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.