Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ergey cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu magacaabista ergeygan u maray qoddobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ergeyga cusub ay aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ergeyga cusub ee arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga dardar-gelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo xuquuqda soo-galootiga.

Shaqada ergeyga cusub ayuu kula dardaarmay inuu ku saleeyo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ee lagu baahiyay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa horraantii bishaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland iyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada, kuwaasi oo uu kala magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare.

Marwo Maryan Yaasiin Xaaji ayaa noqoneysa ergeygii saddexaad ee isla bishaan April uu magacaabo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax ka yar sanad magacaabay 5 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood.