Dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda Laascaanood iyo SSC oo furin horleh furtay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan xoog leh, kuwaasi oo ay wadaan xooggaga SSC ee la dagaalamaya ciidamada Somaliland.

Xooggaga SSC ee Khaatumo ayaa waxaa lagu soo waramaya inay dhanka waqooyi furin horleh kaga fureen ciidamada Somaliland ee fadhiisinta ka dhigtay duleedka magaalada Laascaanood, xilli uu kal hore militariga Somaliland uu sheegay inuu qaadayo dagaal qorsheysan oo ka dhan ah xooggaga kula dagaalamaya halkaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidanka deegaanka ee SSC ayaa la sheegaya in saacadihii u dambeeyay ku sii gurmayeen dhuuxa dhoodida ee dhinaca waqooyi ka xigta taliska Dhuxun ee ciidamada Somaliland.

Xooggaga dadka deegaanka ee halkaasi kusoo qul-qulaya ayaa la sheegaya inay ku gaashaaman yihiin gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo durba saldhigyo ciidan ka sameystay aagga Dhoodida.

Dagaalka labada dhinac ayaa u muuqda inuu usoo wareegay hadda dhinac waqooyi, halkaasi oo furin horleh ka furtay SSC, waxaana la sheegaya in arrintaan ay culeys xooggan ku noqon karto ciidamada Somaliland, maadaama ay hadda u muuqato in jidadkii muhiimka ahaa ee dhoodida qaarkood ay kusoo xirmeen.

Isniintii ayay aheyd markii ay labada dhinac ku dagaalameen duleedka magaalada, kadib markii ciidamada deegaanka ee SSC ay weerar gaadmo ah ku qaadeen militariga Somaliland, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen bariga magaaladaasi.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi, iyada oo labada dhinac ay helayaan gurmadyo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay iska soo daba-dhacayaan baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood, balse sida muuqata ay ka dhego furaysteen labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba, dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen.