Budbud: Xogtii u dambeysay taliyaha xoogga oo ku biiray dagaal la isku riiqmay

Galcad (Caasimada Online) – Dagaal aad u culus ayaa galabta ka dhacay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Markii dagaalku bilowday waxaa hawada ka baxday isgaariisnta Budbud iyo deegaanada u dhow, dagaalkii soo bilowday galabta Casirkii ayaa soo gaaray Afurkii, waxaana dhacay dagaal labada dhinacba uu khasaare culus ka soo gaaray.

Weli lama helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse waxaa la xaqiijiyey in ciidanka dowladda ay caawa ku sugan yihiin deegaankii lagu dagaalamay ee Budbud.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dib u xoreynta deegaanka ayaa jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyey deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo galabta ay isku dayeen inay weerar arbushaad ah ku soo qaadaan.”

“Ciidanka Qaranka ayaa ku ku raad jooga firxadkii Khawaarijta, waxaana soo bandhigi doonaa xogta rasmiga ah ee jabkii galabta la gaarsiiyey Khawaarijta.”

Sida ay saraakiil ku sugan furimaha u xaqiijiyeen Caasimada Online, Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo wata ciidan xoog leh ayaa galabta ku biiray dagaalka, waxaana u suurta gashay inay ka adkaadaan Shabaab-kii weerarka ku soo qaaday Budbud.

Ciidan dhan laba guuto oo oo isugu jira militeriga dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa ku sugnaa deegaankaas markii ay Al-Shabaab soo weerareen maanta, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta la weeraray ka mid ah Korneyl Saney Cabdulle.

In kastoo labada dhinac aysan weli shaacin wax khasaare ah dagaalkuna uu soo gaaray caawa maqribkii, hadana xogaha hoose ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegayaan inuu jiro khasaare baaxad leh, maadaama aan dagaalka waxba la isku reeban oo labada ciidan ee Shabaab iyo dowladda ay is dhex galeen aadna isku laayeen.

Wixii ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas kala soco Caasimada Online