Daawo: Madaxweyne Xasan oo lacag badan ku abaal-mariyey 5 dhalinyaro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Bisha Ramadaan ayaa abaal marinno guddoonsiiyey dhalinyaradii kaalimaha hore ka galay tartanka Qur’aan akhriska ee la qabtay sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qur’aanka Kariimka wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qaban qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweynaha ayaa abaal marin dhan 20,000 oo doolar guddoonsiiyey Cabdifataax Axmed Maxamed oo kaalinta koowaad ka galay sannadkaan tartanka Qur’aanka Kariimka ee dowladdu u qabatay xaafidiinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabadii lagu soo xiray tartankaan ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaal marinno kale guddoonsiiyey xaafidiinta kala ah; Saabiriin Xasan Maxamed, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed, Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo galay kaalimaha hore ee tartanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, wuxuuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega aqoontooda diinta suuban ee Islaamka.

Tartankaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo khudbadii madaxweynaha