Booliska Muqdisho oo soo bandhigay natiijada howlgalada 24-kii saac ee u dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay howl-galada kala duwan ee caasimadda ka fuliyeen ciidamada Booliska, gaar ahaan 24-kii saac u dambeeyay.

Taliska Booliska ayaa shaaciyay in howl-galadii u dambeeyay lagu soo qab-qabtay burcad hubaysan oo magaca ciidamada qalabka sida dhac ku gaysanayay iyo maandooriye tiro badan.

Howl-galka lagu qabtay burcadka iyo maandooriyaha ayaa waxa uu si gaar ah ugu dhacay qeybta bari ee gobolka Banaadir, iyada oo Booliska uu gacanta kusoo dhigay raggii ka ganacsanayay waxyaabaha maandooriyaha.

Burcadka hubeysan ee dhaca ka geysan jirtay gudaha magaalada ee gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliska, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay Mooto Bajaaj, ay u adeegsan jireen howlahooda burcadnimo.

Taliska ayaa waxa uu sheegay in burcadda iyo kuwa lagu soo qabtay maandooriyaha la horgeyn doono cadaaladda, islamarkaana sharciga la waafajin doono.

Ciidanka dowladda ayaa bilihii lasoo dhaafay waxay howl-gallo lagu baacsanayo burcadda, ciyaal-weerada iyo kooxaha gacan saarka la leh kooxda Al-Shabaab ka wadeen degmooyinka xiga daafaha gobolka Banaadir, iyada oo dadweynaha halkaasi ku dhaqan ay si weyn usoo dhoweeyeen.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir.