Dagaalka dowlada ee musuqa oo maraya meel xun & Hay’adaha amaanka oo digniin loo diray

Muqdisho (Caasimada Online)-Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, ayaa shaaca ka qaaday in isla xisaabtan adag ay wajihi doonaan dhamaan dhinacyada lagu tuhmaayo Hantida Qaranka.

Hanti dhowre Afgooye, waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo ku jira liiska musuqa, hase yeeshee ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku horgeyn doonaan Maxkamada.

Waxa uu sheegay in qorshaha horyaal uu yahay in muddo seddex sano ka yar ay ku ciribtiraan musuqa ka jira dalka oo uu sheegay inuu saameeyay dhan waliba.

Hanti dhowraha Guud ee qaranka oo ka hadlaayay  kulan lagu soo bandhigaayay waxqabadka xafiiskiisa ayaa sheegay in la dagaalanka kuwa musuqa wada ay u adeegsan doonaan sharciyo adag oo ciqaab ku filan u noqon doona kuwa ku sifoobay musuqa.

Waxa uu xusay in xafiiskiisa uu hirgaliyay System cusub, kaas oo fudeeyay in lala xisaabtamo hay’ado waaweyn oo ka tirsan dowladda, sida Talisyada Nabadsugida (NISA), Xooga dalka iyo Booliska oo uu sheegay in waxa ka dhex socda uu yahay mid aan loo dulqaadan Karin.

Waxa uu madaxda Hay’adaha amaanka iyo kuwa kale ee dowlada uga digay inay gamcaha kula sii jiraan musuqa iyo boobka Hantida Qaranka.

“System-ka aan ku shaqeyn doono waxa uu waddo toosan kusoo dhigi doonaa Hay’adaha amaanka oo waxa ka dhex socda aan la amaanin iyo kuwa kale ee dowlada oo iyaguna aan la amaanin, sidii ka hor imaadana waxa ay wajaheysaa ciqaabta uu mudankooda noqon doono”

Waxa uu sheegay in ujeedka loo dhaariyay isla markaana shaqada loogu dhiibtay ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Sooaaliyeed iyo isla xisaabtanka.

Waxa uu tilmaamay in howsha ay qabanayaan ay u mari doonaan 3 waddo oo kala ah:-

1-Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay.

2-Dib u eegista hayadaha qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay.

3-Baaris gaar ah oo lagu dabagalo qaladaadka ay soo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo loo saxo sidii loogu talagalay.

Sidoo kale, Hanti dhowraha ayaa u digay mas’uuliyiin waaweyn oo uu sheegay inay dhaqan ka dhigteen musuqa kuwaasi oo ka tirsan Hay’adaha amaanka iyo xarumaha kale ee dowlada.

Haddalka Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, ayaa imaanaya iyadoo dhaqanka ka jira Hay’adaha amaanka iyo xarumaha dowlada uu yahay ku xadgudubka xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com