Dagaalka Laascaanood oo galay maalintii afaraad iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku adeegsadaabn hub culus iyo sidoo kale madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii 4-aad.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama ay weli xabaddu sii dhaceyso.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

Dagaalka oo ah mid sii xoogeynsanayo ayaa sidoo kale kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.