Khiyaano weyn oo ku jirta qorshaha Al-Shabaab ee dagaalka oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii sida weyn loogu jabiyay dagaalka socda ee iska kaashanayaan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa waxay billowday joogteynta istaraatijad ay horey isticmaali jirtay.

Sarkaal hore uga tirsanaa xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida oo lagu magacaabo Cumar Abuu Ayaan oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in qorshaha Shabaab ee “in ay ka baxaan goobaha ay haatan gacanta ku hayaan ay ka damacsan yihiin khiyaamo weyn.”

Abuu Ayaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab aysan difaaci doonin magaalooyinka ay hore u difaacan jireen, taasi badelkeedna ay iskaga baxayaan si ay ula wareegaan ciidamada, kadibna ay kusoo qaadan duulaan culus oo aan la filayn.

“Intii ay ka fogaan lahaayeen, waxay ku wareegayaan kaymaha u dhow magaalooyinka kadibna waxay dib ugu soo celiyaan magaalada kuwa naftii haligayaal (is-miidaamiya) tiro badan. Waa istaraatijiyad horleh weeyi,” ayuu yiri Abuu Ayaan.

Sarkaalkan hore ayaa muujiyay in dib u gurashada Shabaab ay leedahay halis haddii aan laga tabaabusheysan sida ugu dhaqsaha badan.

“Waxay abuureen cadaawad dhanka bangiyada. Waxa kale oo ay u yeereen shirkadihii iyo ganacsatadii oo ay ka codsadeen in ay siiyaan lacagtii ay ku doonayeen in ay dhawr sano ka hor siiyaan, si ay lacag badan u urursadaan, waxa kale oo ay dhimeen kharashaadkoodii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Ayaan.

Marka laga imaado hadalka sarkaalkan hore, La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in Al-Shabaab ay ka cirib-tirto guud ahaan waddanka sanadkan aan hadda ku jirno ee 2023-ka.

“Waad sii diiwaan-gashan kartaa, sanadkaan waxaan rabnaa in aan qof Al-Shabaab ah lagu arkin dhul Soomaaliyeed,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa dhawaan taageero u heshay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, kadib markii ay horaantii bishan shir ku yeesheen Muqdisho madaxda dalalka safka hore, waxaana la filaya in ay billowdaan howl-galo wada-jir ah oo ay iska kaashanayaan Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya.