Garaad Jaamac oo shuruud adag ku xiray nabad-galyo ka dhaqan gasha SOOL

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah Isimada waaweyn ee gobolka Sool ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka, isaga oo sheegay in uusan istaageyn illaa ciidamada Somaliland ka baxaan guud ahaan gobolka.

Garaadka oo sii daba-socda baaqii nabad-galyo ee dhawaan uu jeediyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dagaalka maalintii afaraad galay uu sii soconayo haddii uusan ciidankooda la bixin.

“Muusow waxaan ku leeyahay maamulkaagu nabadna wuu ku baaqayaa madaafiicna dadkii ayuu la dhacayaa, waxaan caddaynayaa in Laascaanood saddexdii cishe ugu danbaysay uu dagaal ka soconayo, dagaalkaasi oo ah dagaal aan wax shacabka reer Laascaanood loo reebtay jirin,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay madaxda dhaqanka Somaliland oo iyagu xalay ku baaqay in xabada la joojiyo shuruud la’aan, isaga oo sheegay in aanay nabad jirayn illaa ciidanka Somaliland uga baxaan dhulkooda.

“Nabad jiri mayso illaa ciidamada Somaliland ay Oog ku noqdaan,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo kamid ah Isimada waaweyn ee gobolka Sool.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad oo xiriir ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Xukuumada Somaliland ayaa weli ku adkaysanaysa in kooxo argagixiso ah ay colaada hurinayaan, halka ay garaadada iyo qaybo kamid ah maamulka Laascaanood ay beeniyeen arrintaas, iyaga oo sheegay in ciidamada maamulka Muuse Biixi ay duulaan ku yihiin dhulkooda.

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo Qaramada Midoobay ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi, sida muuqata waxaa xiligaan adag in xal laga gaaro xiisada taagan.