Meydadka arday Soomaali ah oo laga helay burburka dhul-gariirkii dalka Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Dadka ku dhintay musiibadan waxaa kamid ah Soomaali ku nooleyd waddanka Turkiga oo qaarkood ahaa arday wax ka baraneysay gudaha dalkaas.

Wararka ayaa sheegaya in meydadka haatan lasoo saaray ay ku jiraan arday Soomaaliyeed oo ku dhintay dhismayaasha soo dumay, kuwaas oo laba gaarayo.

Mid kamid ah marxuumiinta meydadkooda la helay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Cismaan, sida uu VOA u sheegay walaalkii Cabdiraxiin Nuur Cismaan.

Cabdiraxiin ayaa sheegay in walaalkiis uu kamid ahaa ardayda ku nool dalka Turkiga, isla-markaana xilliga uu dhacayay dhulgariirka uu ku sugnaa mid kamid ah magaalooyinka halakeeyay, isaga oo tilmaamay inuu booqasho ugu tegay rag kale oo ay saaxibo ahaayeen, balse uu ku soo dumay dabaqii ay daganaayeen, kadib dhulgariirka ku dhuftray Turkiga.

“Maxamed meesha waxa uu u joogay waxbarasho waxaa lagu jiray fasaxiim wuxuuna buuqasho ugu tegay rag ay saaxibo yihiin oo ku sugan magaalada uu dhul gariirku haleelay dabaqii ay ku jireen waa uu ku dumay Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Cabdiraxiin Nuur.

Dhanka kale kooxaha gurmadka ee dalka Turkey, ayaa weli wada howlaha samatabixinta waxayna dadka ka raadiyaan burburka dhismayaal soo dumay, si loo soo saaro meydadka.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul-gariirka ayaa haatan maraya illaa 12 oo kun oo qof, sida ay shaacisay dowladda dalkaasi oo la daala dhaceysa xaalad adag.

Si kastaba, waa dhul-gariirkii ugu khasaaraha badnaa ee ku dhufta dalka Turkiga, kaas oo sababay dhimashadii ugu badneyd, maadaama ay ka dhalatay saameyn baaxad leh.